Leave a comment

Saraakiil Kenyan ah oo laga Afduubtay Northern Frontier Dictricts (NFD) oo la sheegay in la geeyay Magaladda Muqdisho

Warar la isla dhexmarayo oo si aad ah ay u hadal hayaan taageerayaasha Mujaahidiinta Somalaiya ayaa sheegaya in saraakiil Kenyaati ah oo dhawaan lagusoo qabsaday Howlgal ka dhacay gudaha NFD loosoo talaabiyay dhanka magaalada Muqdisho.

Haddii ay xaqiiq noqoto in Shabaabul Mujaahidiin ay maxaabiista ay Kenya ka qabatay dhanka Muqdisho geysay waxay taxaddi xoogan ku tahay dowladda Kirishtanka Kenya oo dagaal qar iskatuurnimo ah kusoo qaaday Somaaliya Afar bilood ka hor.

Maanta Duhurkii ayuu soo baxay warka sheegaya in Saraakiisha Kenyaatiga ah lagasoo talaabiyay degmada Afgooye islamarkaana saxaafadda loosoo bandhigi doono.

Ciidan ku duulay dalkale oo jabay waxaa lagu yaqaan in Saraakiishooda iyo Madaxdooda oo Maxaabiis ah ay kasoo hormuuqdaan waana arrin fadeexad ku ah dowladda Kenya.

Habeenkii Khamiista ayay ciidanka mujaahidiinta Howlgal khaas ah ka fuliyeen magaalada Wajeer ee gudaha dalka Kenya iyagoona soo qabtay saraakiishan kenyaatiga ah oo muhiim u ahaa duulaanka lagusoo qaaday Somaaliya.

Leave a comment