Leave a comment

warar aan la hubin ayaa sheegaya in uu shahiiday Hakiimullah Mehsoud.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in uu Shahiiday Hakiimullah Mehsoud Amiirka Taalibaan ee Konfurta Waziristan. Wararka ayaa sheegay in Mehsoud uu ku geeriyooday Duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Koonfurta Waziristan Janaayo 12-keeda.
wararka sheegayaa in uu Geeriyooday Hakiimullah Mehsoud ayaa waxaa shaacisay Dowlada Pakistan waxaana ay sheegeen in ay ka soo xigteen Illo lagu kalsoon yahay.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in uu Geeriyooday Mehsoud ka dib markii ay Diyaaradaha aana cidina wadin ee Mareykanka ay duqeeyn u geysteen Tuuladda Dogga ee duleedka degmadda Miramsham ee Waqooyiga Waziristan. Weerarka ayaa waxaa la sheegay in ay ku shaheedeen Lix ka mid ah Mujaahidiinta.
” Xubno ka mid ah Taliban ayaa inoo xaqiijiyay in uu Geeriyooday Mehsoud, Qaar kalena wey ka gaabsadeen” waxaa sidaasi qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Labo sarkaal oo ka mid ah Saraakiil la sheegay in aay weeraradaasi ku lug lahaayeen ayaa sheegay in ay jiraan warar sheegayay dhimashada Mehsoud balse aanay xaqiijin karin isla markaana ay baarayaan.
Asimullah Mehsoud, Afahayeen Talibaan ee Pakistan ayaa warar been abuur ah ku tilmaayay in la dilay Amiirkooda Hakimullah Mehsoud.
Dhowr mar oo horre ayaa Saraakiisha Pakistan aay ku celceliyeen in aay dileen Hakimullah Mehsoud. waxaay aheyd 2010-ki markii wasiirka arimaha gudaha ee Pakistan uu shaaciyay in uu geeriyooday Mehsoud. waxaa sidoo kale Xubno ka mid ah Saraakiisha Mareykanka ay iyagana soo hadal qaadeen suurtogalnimada in uu geeriyooday Mehsoud ama uu si aad ah u dhaawacmay. Hakiimullah Mehsoud ayaa waxaa uu dhowr mar la hadlay saxaafada si uu u cadeeyo in uu nool yahay.
Xukumadda Pervez ayaa mar ka dhawaajisay in Hakimullah uu ku dhintay iska hor imaad dhex maray isaga iyo koox ka dagaalanta Konfurta waziiristan oo uu hogaaminayay Waliur Rahman Mehsoud, iska hor imaadkaasi oo la sheegay in uu yimid ka dib markii ay ku murmeen cida noqoneysa Amiirka guud ee Taliban ka dib geeridii ku timid Baitullahi Mehsoud oo ahaa hogaamiyaha guud ee Taliban 2009-ki balse arinkaasi ayaa been iyo fadeexad ku noqotay dowladda Pakistan ka dib markii Canjalad muuqaal ah ay ka soo wada muuqdeen Labada Hogaamiye iyagoo shaaca ka qaadaya in aysan jirin wax iska hor imaad ah oo dhex maray Mujaahidiinta.
Lama oga xaqiiqa ahaanshiyaha warka sheegaya in uu shahiiday Hakimullah Mehsoud walow ay si aad ah u beeniyeen Mujaahidiinta Taliban ee Pakistan.

Leave a comment